Wednesday, September 24th, 2014

sheeko jaceyl cajiib ah

Published on November 16, 2010 by   ·   1 Comment
Wadnayaal Is jeclaaday!!!!Waa sheeko jacayl ah oo dhex martayQalbi Xaaji Aden Iyo Aqli jaamac yare  Qisa dhaba Qalbi, waxay ku dhalatay xaafada shacabka ee magaalada Hargaysa, Sanadkii, 1972. Wax barashadeedi hoose waxay ku soo qaadatay dugsiga sheekh Bashir, wax barashadeedi sarena Qalbi, waxay ku soo qaadatay dugsiga ina Oomaar, ee isla magaalada Hargaysa.Hibo eebe ku siiiyey habeen la iskama qaado,” dhanka kale Qalbi, kasokow waxbarashadeeda dugsiga waxay aad ugu wanaagsanayd guud ahaan cayyaraha fud-fudud gaar ahan cayyarta kubada koolayga ee loo yaqaan “Basket Ball.” Qalbi waxay markiiba ka mid noqotay gabdhaha u cayaaro kubada kolayga isla dugsiga ina Oomaar ee magaakada Hargaysa. Fir-fircooni iyo cayaar wanaag ay Qalbi, muujisay waxay dhaxalsi-say in ay isla markiiba u gudubto loona qaatay xulka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka waqooyi galbeed. Maalin maalmaha ka mid ah waxaa Qalbi u yeedhay gudoomiyihi Gudiga olombikada gobolka waqooyi galbeed “Abdillahi Dheere” iyo taba-barihi kooxda xulka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka waqooyi Galbeed “Axmad jinac” oo Qalbi ugu bishaareeyey in Ayada loo doortay kabiteenada hogaamin doonta kooxda xulka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka. Waxa kale oo ay Qalbi u shegen in dhammaan kooxaha xulka wiilasha iyo gabdhaha kubada kolaygu soo diyaar noqdaan maalinta Jimcaha, 10:00 ka Subaxnimo, si ay ugu kici timaan magaalo madaxda Muqdisho ooy kaga qayb gali donaan tartanka ciyaaraha koobka horyaalka gobolada ee kubada kolayga. Qalbi magaalada Muqdisho dad qaraabo ah iyo asaxaabatoona kumalaheyn sida darteed, waxay go’aansatay inay dhanba u dhaafin gurigi mar-tida lo dajiyey oo Qalbi waxay wakhtigeedi ku soo koobtay: . Mar ay tartan ciyaareed ku maqantahay, Mar ay tababar ku maqantahay, Iyo mar ay Buug aqrisanayso. Qalbi, intii lagu gudo jiray tartankii ciyaaraha koobka horyaalka kubada kolayga waxay isbarteen- Nimco Jeego oo ahayd, kabitanka kooxda Xulka horyaalka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka Banadir. Nimco Jeego waa gabadh aad u fur-furan, si wanaagsanna uga qayb-qaadatay dhinaca soo dha-weeynta iyo marti-galinta dhammaan kooxihi ka kala yimid gobolada dalka. Maalin maalmaha ka mid ah, rugtii ay daganayd Qalbi, ayaa waxaa ugu timid Nimco Jeego, waxayna u sheegtay inay kooxda horyaalka gabdhah iyo wiilasha gobolka Banadir ee kubada kolaygu casho ugu marti qaadeen Hoteelka Curuba, habeenka Qamiista ee Jimcaha soo galayo dhammaan koxda Horyaalka Gabdhaha iyo Wiilasha kubada kolayga ee ka yimid gobalka wo-qooyi galbeed. Waxaa lasoo gaadhay habeenki Qamiisti ee balanta Waa habeen u haba-yaraate wax caad ihi saarnayn cirka. Waa habeen u heer-kulka magaalada Muqdisho taagan yahay halkii ugu wanaagsana. Waa habeen saxan-saxo udgoon badani babanayso daafaha magaalada. Waa habeen aad laydha caafimaad iyo naacawda caashaqa Ood hawada ka nuugtid mooye, ay naftu guriga galba ku dhahayn.

Waxaa hal-hal, laba-laba,iyo raxan-raxanba loo soo galay oo la iskugu yimid waa marti-qaadkii cashada iyo hoteelki Curuba. Waxaa wiil iyo gabadh loo labisan-yahay si heer sare ah Saacadu markay ahayd, 7:30 kii, fiidki, waxaa albaabka hoteelka Curuba gaar ahaan qolkliisa xafladaha ka soo gashay gabadh u Allahen, Dhumuc iyo dhererba u dhameeyey, hubqaadkeeda iyo hannaan wanaageedaba aad iyo aad lola dhaygagay. Waxaa mar qudh ah is-taagtay shan-qadhii qolka, dhammaan wiil iyo gabadh inta lawada aamusay waxaa daymo layaab leh sidaa loo wada Jalleecay dhinici gabadha oo aad moodaysid in Nal ama laydh laga soo iftiimshay. Waxaa fadhiya dhanka midigta ee albaabka laga soo galo hoteelka Curuba, gaar ahaan qaybtiisa xaafladaha Afar wiil oo dhallin-yar ah. Waxay aad iyo aad ugu qushuuceen sha’ni wanaagi iyo sharafti ka muuqatay gabadhan albaabka ka soo gashay, oo wiil walba is-dhahay Ar-may taada noqota, waxaase wiilashi isweydiyeen car yaa gabadhaas la hadli oo nin rag ah?, wiilkamid ah wiilashi ayaa soo kacay isagoo sharad ku soo galay inu gabadha la hadli dono oo u isagu ku qaban doono wiilku isaga un ba is- dhahaye, ma oga waxa u kala kulmi iyo wax u mudan midba, waxa u wiilku ogayn hadal adayga hablaha Soomaaliyeed guud-ahaan, gaar-ahaan habeenka isugu kiin horaysa in-aan ciyaar ciyaarba loogu soo gali karin Qalbi se, wayba ka sii xag jirtaa oo waa gabadh aad u dagan, hadal kooban, miisaaman oo xikmad badan leh waa gabadh aan haba-yaraate loola iman karin sheekooyinka raqiiska ah. Waa laba aan is ogayne isku eeg waxay kala qaadan. Horaybase Loyidhi, “ Fardo la isku hayo maxaa la iskaga faanin.” Wiilki, gabadhi waa u yimid isagoo ilka cadaynaya oo wuxu ku dhahay, “Qalbi,”- walaal waa lagaa qaaday. “wiilki,”- Abaayo qof miyaad raadinaysay. “Qalbi,”- Walaal qof baan raadinayeyba kumaan odhan. “Wiilki,”- Abaayo hablihi martida aha inad tahay wan u jeeda, side-waaye “Qalbi,”- walaal waxba taas kaama galine, danhaaga sheego. “Wiilki,”-Abaayo waa maxay kuleylkan saa’idka ah in yar is dajibal “Qalbi” Walaal midaas aadiga kuma quseyso idajina kumaan oran “Wiilki” ka gudub abaayo Magaceyga waa “Aqli” “Qalbi”Walaal Anigu magacaaga uma heelani “Wiilki” Balse aniga ayaa kaaga u heelan macaanto “Qaalbi” KKKK Waa wada ‘macaanto’ goormee kuu macaan lahaay hda un baa neesugu keen horeysee

visit www.ranpedi.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. pell grant says:

    Thanks for some quality points there. I am kind of new to online , so I printed this off to put in my file, any better way to go about keeping track of it then printing?




Wararka soomaaliya

Aminarts Waa nin noocee ah?

November, 16, 2010
amin amir waa nin farshaxan yaqaan ah isla mar ahaantaana ku dabaqa afkaartiisa sawiradaas.  amin amir sawirada uu suubiyo ...

Sheikh Sharif oo gaaray sacuudiga

November, 13, 2010
Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa gaaray magaala madaxda dalka sacuudiga isagoo ay weheliyaan qaar katirsan xubnaha hori ugu tirsanaa ...